Booliiska magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa shaaciyay in la dilay ugu yaraan hal qof, mid kalena uu ku dhaawacmay kadib markii rasaas qof hubaysan uu ku furay dad Soomaali ah oo ka qayb galayay Aaska Soomaali Talaadadi la dilay.
Ciidamada ayaa sheegay in ay aqoonsadeen maydka 26-sano jir lagu magacaabo Ayuub Xirsi oo la toogtay xilli uu ku sugnaa qabuuraha Muslimiinta ee Richmond Hill, xilligaas oo ay ka dhaceysay goobta duugta Gidiid Maxamed oo la dilay Talaadadii xilli uu ku sugnaa goob lagu caweeyo.
Goobta ayaa sidoo kale lagu dhaawacay nin 27-sano jir ah oo hadda ku jira Isbitaalka sida ay xaqiijiyeen laammaha ammaanka dalka Canada.




From the comments