Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan Galmudug ay weerar ku qaadeen deegaanka Baruujeed oo hoostaga degmada Ceelbuur, halkaas oo fariinsin ku lahaayeen xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab.
Guddoomiyaha degmada Ceelboor Nuur Xasan Guutaale ayaa sheegay in deegaanka lagu dilay laba xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo kamid ahaa Shabaabkii ku suganaa deegaankaan hoos yimaada degmada Ceelbuur,xilli VOA la haday.
Marka laga reebo sheegashada maamulka degmada waxaan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay deegaanka, kaas oo u dhaxeeyay ciidanka Galmudug iyo xoogag ka tirsan Al-shaab ee soo kala gaaray iyo dhinaca shacabka.




From the comments