Dowladda Itoobiya ayaa magaalada Addis Ababa kusoo bandhigtay tiro dagaalamayaal ah, kuwaas oo ay sheegtay in lagu qabtay dagaalka Al-shabaab ay ku qaadeen dalkaas, kaas oo markii ugu horeysay ka bilowday xadka gobolka Bokool la wadaago, waxaana uu ku faafay qeybo ka mid ah dowlad deegaanka Soomaalida.
Qaar kamid ah maxaabiista lasoo bandhigay oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in hadafkoodu ahaa qabsashada Itoobiya” Afar bilood ayaan ku jiray tan ayaa shan ii ah ay dagaalka ii soo kaxeeyeen, Waxaan rabnay in aan qabsano wadanka Itoobiya, laakin waa nala soo siray” ayuu yiri mid kamid ah.
Dalgalka u dhaxeeyay Al-shabaab iyo ciidanka Liyuu Police ayaa waxaa uu geystay khasaare badan oo soo kale gaaray labada dhinac iyadoo mid waliba guulo ka sheegtay dagaalka dhacay, dowladda Itoobiya ayaa dhowr jeer soo bandhigtay maxaabiis ay sheegtay in ay ku qabatay dagaalka u dhaxeeyay ciidankooda iyo Al-shabaab.




From the comments