Ra’iisulwasaare Xamse oo Boggaadiyay Howgallada Ka Socda Gobolka Hiiraan.
Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo gaaray magaalada Baladweyne ayaa booqday xerada ay degan yihiin ciidamada xoogga dalka, waxaana uu boggaadiyay gowlgallada ay ciidanku ka wadaan Waqooyiga iyo Galbeedka gobolka Hiiraan, iyaga oo kaashanaya Macawisleyda oo ah dadka deegaanka.
Ra’iisulwasaaraha oo la hadlay ciidanka ayaa ammaanay hawlgallada ay kula dagaallamayaan Al-shabaa, kuwaaas oo laga saaray deegaanno badan oo dhaca gobolka, isaga oo ballan qaaday in xukuumaddu taageero la garab taagan tahay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya.
Xamse Cabdi Barre oo hadalkiisa sii watay waxaa uu sheegay in lagu guulaystay in ciidanku ay la wareegaan dhul dhaaraya 150km muddo kooban oo ka tirsan Hiiraan oo ay horay u joogeen dagaalamayaasha Al-shabaab, waxaana uu ciidanka kula dardaarmay in ay sii wadaan howlgallada socda oo ay wadaan ciidanka xoogga iyo Macawislayda.
Ciidamada xoogga dalka qeybta 27-aad oo howlgallada ka bilaabay degmada Maxaas ayaa waxaa ay la wareegeen dhowr deegaan oo u dhaxeeya degmooyinka Matabaan iyo Maxaas, waxaana todobaadkii tagay ciidanku ay qaadeen howlgallo kale oo ka bilowday dhinaca galbeedka gobolka, iyagoo la wareegay ilaa sedex degmo, oo hoos taga Baladweyne.
Ciidanka ayaa howlgallada socda kula wareegay deegaannada kala ah Ragso,Xasan Raqay,Sulmo iyo deegaanka Teedan oo dhaca gobolka Hiiraan, ciidanka ayaa sidoo kale howlgalladii ugu dambeeyay kula wareegay deegaannada , Bacda, Beer Gidiid, Jilacle, Madhoy, Hees, Luuq Jeelow ayaa ah deegaannada ugu dameeyay oo ciidanku ay la wareegeen.
Gobolka ayaa waxaa xilligaan ku sugan wasiirka wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya, taliyaha ciidan xoogga dalka O, howlgalkaan ka socda gobolka Hiiraan waxaa hoggaaminaayo guddoomiyaha gobolka HIiraan Cali Jeyte Cisman wasiirro iyo xildhibaanno kala tirsan federalka iyo dowlad goboleedka Hirshabeelle .