Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda federalka Soomaaliya, mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta oo Isniin ah magaalada Muqdisho kula kulmay Taliyaha cusub ee ciidamada Maraykanka AFRICOM ee Soomaaliya iyo saraakiil kale.
Wasiirka ayaa soo dhaweeyay Taliyaha cusub ee AFRICOM Gen. Michael Langley, wuxuuna bogaadiyay doorka AFRICOM ee ku aadan horumarinta nabadda iyo amniga gobolka iyo taageerada ay siiyaan ciidanka Soomaaliya, xilliga ay howlgalayaan.
Wasiirka iyo taliyaha a ayaa waxaa ay is dhaafsadeen sida ay uga go’an tahay in la xoojiyo awoodda ciidamada xoogga dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, Africom ayaa ciidankooda waxaa ay howlgallo dhowr ah ka fuliyaan Soomaaliya.




From the comments