Kooxo hubaysan ayaa caawa magaalada Muqdisho dhaawac ugu geystay Bilaal Bulshaawi oo kamid ah dhallinyarada ugu caansan barta Tiktok, waxaana la dhaawacay xilli uu ku sugnaa maqaayad ku taalla meel u dhow isgoyska Banaadir.
Bilaal ayaa bulshada caasimadda waxaa ay u yaqaanaan madaxweynaha Tiktok, waxaana xilliga la dhaawacayay la socday qof kale oo lala dhaawacay, waxaana loola cararay mid kamid ah Isbitaallada Muqdisho si loogu dabiibo dhaawiciisa .
Kooxdii dhaawacday ayaa goobta isaga baxsatay, mana jirto ilaa iyo hadda sababta ka dambaysay dhaawac loo geystay Bulshaawi, muddooyinkii dambe waxaa uu ahaa samafale ka shaqeynayay ka qeyb qaadashada gurmadka Abaaraha.




From the comments