Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa si kulul uga hadlay weerar la sheegay in dagaalamayaasha Al-Shabaab ku dileen dad ku sii jeeday degmada Maxaas, ayna ku gubeen 7 gaari, kuwaas oo siday raashin kale duwan oo ku siijeeday qeybo gobolka ah.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan eheladii iyo qoysaskii – dadkaasi laga laayay – isagoo Allaah Subxaanahu Wa Tacaalaa, uga baryay inuu Jannadii Fardowso ka waraabiyo, isaga oo sheegay in xukuumaddu garab taagan tahay ciidammada deegaanka ee is abaabulay ee ka dagaalamaya Hiiraan.
“In la laayo dad Muslimiin ah, masaakiin ah, shacab xoogsato ah, la gubo gaadiidkoodi, dabna la qabadsiiyo hantidoodi — waa fal aan sal iyo raad ku lahayn diinteena suubban, waa dhaqan xun oo Islaamnimada ka baxsan, waa astaan muujinaysa cadawtinimada iyo nacaybka gaamuray” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.




From the comments