Ciidanka Xoogga oo Al-shabaab Kala Wareegay Deegaanno Hoos Yimaada Buulo-Burde
Sheeko:Arrimaha Amniga
Wararka naga soo gaarayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay la wareegeen deegganno hoos taga demada Buulo Burde ee gobolkaas, kadib markii ciidanku ay howlgallo ku qaadeen deegaanno dhor ah, kuwaas oo ay ku sugnaayeen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo gu’doomiyey degmada.
Ciidanka ayaa howlgalladooda ku gaaray deegaannada Ceemooy. dhagax yaalle, Kilad gubadleey iyo Ceelka-dabyoole 20KM u jira degmada Buulo Burde, iyaga oo sheegay in ay sidoo kale y gacanta ku dhigeen Doomo ay isticmaalayeen Wabiga si ay uga qaataan saadka ay u baahan yihin sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka.
Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in deegaannada lala wareegay ay Al-shabaab u ahaayeen marin muhiim ah oo ay isaga gidbaan goboolada Shabeellooyinka iyo Hiiraam, waxaana ay sheegeen in howlgalkaay sii wadayaan tan iyo inta Al-shabaab ay ka saarayaan gobolka Hiiraan oo ay howlgallo kale duwan ka wadaan,
Ciidamada xoogga iyo Macawisleyda ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay howlgallo ka Dhan ah Al-shabaab waxaa ay ka wadeen gobolka Hiiraan ,iyaga oo la wareegay deegaanno ka dhaca waqooyiga iyo galbeedka gobolka, Alshabaab ayaa dhowaan Hiiraan ku dilay 20 ruux oo shacab ah iyaga oo sidoo kale gubay gaadiid.
Goobjoog News