Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa maanta go’aan kasoo saartay doorashada madaxweynaha, taas oo muddooyinkaan uu ka taagnaa muran u dhaxeeyay hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah Raila Odinga iyo Madaxweynaha la dooraty William Ruto, Odinga ayaa maxkamadda u gudbiyay dacwad ku aadan wax isdabamarin tirinta codadka ka dhacday.
William Ruto oo 9-kii bishii hore ku guuleystay doorashada madaxweynaha ayaa maxkamaddu sheegtay in ay tahay mid sax ah, waxaana wax kama jiraan lagu tilmaamay dacwaddii uu soo gudbiyay Raila Odinga, isaga oo maxkamadda u gudbiyay in la dhacay agabkii doorashooyinka, si loo badelo natiijooyinka doorashooyinka sida uu ku sheegay dacwaddiisa.
Guddoomiyaha maxkamadda ugu sarreysa ee Kenya ayaa sheegtay in aysan jirin caddeyn ku aadan in loo dhacay nidaamka doorashada si wax looga baddalo natiijada doorashada. Waxay sheegtay in guddiga uu faahfaahin ka bixiyay nidaamka lagu baahinayay natiijada doorashada, taas oo guddigu ku dhawaaqay 9-kii bishii hore oo Ruto madaxwene ku noqday.




From the comments