Waxaa Saakay lagu daah furay degaanka Km13 ee Degmada Kaxda, Mashruuca Tababarka Mootooyinka, oo aay ka qeyb qadanayaan 80 dhalinyaro. Mashruucaan oo aay maalgelineeyso Hormuud Salaam Foundation, ayaa qorshuhu yahay in shaqo loogu abuuro ilaa iyo 1000 (kun dhalinyaro ah), kuwaasoo la bari doono wadida Mootooyinka , ka dibna aay dhaqo siin doonto Shirkada RIKAAB, oo ka shaqeeysa adeegyo kala duwan , tababarka ayaa socon doono mudo 28 maalmood ah, dhalinayarada maanta Tababarka u furmay ayaa kasoo gudbay Imtixaan qoraal iyo Xisaab ah oo laga soo qaaday.
Gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation, Abdullahi Nur Osman, oo ugu horeyn meesha ka hadlay , ayaa sheegey ineey doonayaan ineey shaqo u abuuraan, 1000, dhalinyaro oo ku shaqeyn doono Mootooyinka, iyaga oo shaqada aay siin doonto shirkadda RIKAAB, ayna ka shaqeynta doonaan adeegyo kala duwan oo macaamiisha alaabta loogu geynayo goobahooda, waxaana maanta tababarka loo furey 80 dhalinyaro ah oo noqonaya dufcadii 1aad. Gudoomiyaha ayaa sheegey in Tababarka loo qaban doono Dufcad Dufcad, dufcada 2aadna aay bilaaban doonto 5 November 2022.
Tababarka ayaa waxaa fulinaya Dugsiga Farsamada Gacanta ee Buruuj , Maamulaha Dugsiga Farsamada ee Buruuj , Abdimajiid Khadar Ali ayaa sheegey in tababarka oo noqon doono Baraatiko iyo casharo fasal ah, si loo soo saaro Dhalinyaro u carbiyeeysan shaqada,













From the comments