Qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii bishii hore ka dhacay Hotelka-ka Xayaat ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa gargaar caafimaad loogu qaaday dalka Turkiga, kadib markii xaalladdooda caafimaad wax looga qaban waayay gudaha dalka, iyadoo maalinimadii shalay laga duuliyay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Diyaarad Am place ah oo ay la socdeen dhaqaatiir ayaa lagu qaaday dhaawacyada oo ay tiradoodu gaaraysay sedex ruux, kuwaas oo xaaladooda ay aad u adag tahay, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo xubno qoyskooda ah ayaa ku sagootiyay garoonka, sidauu ka sheegay wasiirka caafimaadka xukuumadda federalka Cali Xaaji Aadan.
“Wasaaradda caafimaadka oo fulinaysa amarkii Ra’iisulwasaaraha, ee uu bixiyay markii uu dhacay qaraxii Hotel Xayaat ee ahaa in la qaado dadka aan dalka wax looga qaban karin. Waxaan ku faraxsanahay maanta inaan dirayno sedex kamid ah dhaawacyadii ugu halista badnaa ee meesha wax looga qaban waayay Isbitaalka” ayuu yiri wasiirka.




From the comments