Shirka wadatashiga qaranka ee u dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, kadib markii caasimadda ay soo gaareen madaxweynayaasha dowlad goboleedyada, marka laga reebo Siciid Cabdullaahi Deni oo shirka uga qeyb galaya habka fogaan araga iyo guddoomiye gobolka Madaale oo xilka aan la wereegin .
Shirka ayaa waxaa shir guddoominaya madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Shiikh Maxamuud, waxaana ka qeyb galaya Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre, Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Jubbaland Axmed Madoobe, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Laftagareen.
Shirkaan oo muddo labo maalmood ah socon doona ayaa madaxda Qaranka ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka, waxa ay ku lafo-guri doonaan arrimaha hortebinta u leh shacabka iyo dowladda, gaar ahaan sugidda amniga dalka, wax ka qabashada saameynta abaaraha dalka ka jira iyo la dagaallanka Al-shabaab.




From the comments