Mareykanka iyo Taliban ayaa markale isweydaarsaday maxaabiis ay kala heysteen, kuwaas oo labada dhinac u gacan galay kahor inta uusan mareykanku dib uga laaban duulaankii uu joogay dalkaas, kaas oo 20 sano jirsaday, inta aan la gelin heshiiskii nabadda ee Doxa labada dhinac ku dhex maray, kaas oo lagu go’aamiyay in Mareykanku ka baxo Afganistaan.
Ururka Taliban ayaa Isniintii shalay sii daayey Mark Frerichs, oo ahaa muwaadin u dhashay dalka Maraykanka oo gacanta ugu jiray ururkaas, iyaga oo ku bedeshay Bashir Noorzai oo ka tirsanaa ururka Taliban, kaas oo ku jiray xabsi ku yaalla dalka Maraykanka, ka dib markii lagu xukumay madaxaa haku furto ama xabsi daa’in.
Wasiirka Arrimaha Debedda ee xukuumadda Taliban Amir Khan Muttaqi ayaa warbaahinta ugu sheegay magaalada Kabul, in xukuumaddiisa iyo dawladda Maraykanku inay maxaabiista isku dhaafsadeen garoonka diyaaradaha ee caasimadda Afghanistan.




From the comments