Howlgal qorsheysan oo Ururada 6aad iyo 3-aad ee Kumaandooska Gor-gor ciidanka xoogga dalka ay ka sameeyeen degaanka Sino dhaqo oo 25 km u jiro degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud oo ay ciidanku la wareegeen maalintii shalay, ciidanka ayaa sheegay in howlgalkaan ay ku dileen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.
Ciidanka ayaa howlgalkooda ku gaaray tuulooyin deegaannada Sinidiqo Labi-dule, Ceel- guusar, iyo tuulooyin hoostaga, kuwaas oo ay ku sugnaayeen Al-shabaab, saraakiisha howlgalka hoggaaminaysa ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka lagu dilay 10 ka tirsan Al-shabaab sida ay hadalka u dhigeen saraakiisha howlgalka hoggaaminaysay.
Taliyaha guutada 17-aa ee Kumaandooska Gor-gor ciidanka xoogga dalka Gaashaanle dhexe Dayax Cabdi Cabdule waxaa uu warbaahinta a Qaranka u sheegay in ay guulo waa weyn ka gareen howlgalka,iyadoona ciidanka Xoogga wali howlgalo ka wada gobollada Galgaduud iyo Hiiraan, ayna sii wadi doonaan howlgallada socda Galmudug.




From the comments