Madaxweynaha cusub ee Dalka Kenya William Ruto ayaa ka hadlay suurta galnimada ciidamada dalkiisa ay dib uga soo bixi karaan Soomaaliya, ” Ciidankaasi waxay dalka ku soo laabanayaan marka ay gutaan waajibaadka ay ka hayaan Soomaaliya, waa 15 toban sano oo ay halkaas saaxiibbo na la joogeen waana la dhacsannahay” ayuu yiri isaga oo la hadlayay France 24 tv.
William Ruto oo wax laga weydiiyay faragelinta dowladdiisa ay ku sameysay Soomaaliya ayuu sheegay xilligaan Soomaaliya xaaladeeda in ay kasoo reynayso sidii hore ” Waxaan isleeyahay xaaladdu waa ka soo reyneysaa marka la eego doorashadii madaxweyne Xasan oo aan la kulmay laba jeer, aragti cad ayuu ka leeyahay halka aan u soconno, waxaan isleeyahay aad ayey uga go’an tahay la dagaallanka Alshabaab, go’aankiisuna waa noo cad yahay” ayuu yiri madaxweynaha Kenya.
Madaxweyne dalka Kenya waxaa uu sheegay xasilooni darrida ka jirta Soomaaliya in ay halis ku tahay dalkiisa, sidaa owgeed laga shaqeynayo xasiloonida Soomaaliya” Waxaan la shaqeyneynaa saaxiibbo ay ka mid yihiin Mareynkanka iyo saaxiibbo kale oo arrimaha Soomaaliya ku lug leh, markaasna waan xasilin karnaa Soomaaliya, Soomaaliya oo aan xasillooneyn waxay qatar ku tahay dhammaanteen, waxay sababeysaa argagixiso, xasillooni darro waxayna saameyneysaa Kenya” ayuu yiri.




From the comments