Goobjoog

Ciidanka Dowladda oo Al-shabaab Kala Wareegay Deegaanka Buq Aqable Ee Gobolka Hiiraan

Ciidanka dowladda federalka oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa waxaa ay Al-shabaab kala wareegeen deegaan ka tirsan gobolka Hiiraan, kaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay ka talinayeen Al-shabaab, ciidanka huwanta ah…

Ciidanka Dowladda oo Al-shabaab Kala Wareegay Deegaanka Buq Aqable Ee Gobolka Hiiraan

Ciidanka dowladda federalka oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa waxaa ay Al-shabaab kala wareegeen deegaan ka tirsan gobolka Hiiraan, kaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay ka talinayeen Al-shabaab, ciidanka huwanta ah ayaa howlgalka ku gaaray deegaanka Buq Aqable ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Al-Shabaab.

“Ciidamada huwanta ah ee amaanka oo kaa shanaayo ciidamada dib u xureeynta deegaanka ayaa si rasmi ah ula wareegay Degmada Buq Aqable ee Gobolka hiiraan. Qabasashada Degmada Buq Aqable ayaa ka dhigan in argagixisada gacantooda kabaxday magaalo weeen oo muhiim u aheyd jiritaan kooda” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Hirshabeelle.
Ciidanka dowladda federalka iyo kuwa deegaanka ayaa waxaa ay muddooyinkii ugu dambeeyay ka socday howlgallo ka dhan ah Al-shabaab, ciidan ayaa ku guulaystay in ay la wareegaan oo ay la wareegaan deegaanno badan oo in badan ay kala go’doomiyeen  Al-shabaab, mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa maanta safar dhulka ah ku tagay Buulo Burde.
Buq Aqable Waa deegaan ka mid ah degegaannada gobolka Hiiraan,  waxaa ay  90-km dhanka Koonfureed ka jirtaa xarunta gobolka Hiiraan ee Baladweyne, dhanka galbeedna waxeey 40-km u jirtaa Degmada Buulo Burde Degmada waxeey caan ku tahay dhaqashada xoolaha ganacsiga iyo sidoo kale dadkeedu waa beeraley.
Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments