Ciidamada xoogga dalka qeybta 60-aad oo kaashanaya kuwa deegaanka Koonfur Galbeed ee la magacbaxay Dulmi-diid ayaa Al-shabaab waxaa ay kala wareegeen deegaanno hoostaga magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo muddooyinkii dambe ay ku sugnaayeen xoogagga Al-shabaab ee ku sugan deegaannada maamulka Koonfur Galbeed.
Ciidanka oo saaka waabarigii weerar ku qaaday deegaanka Labaatan Jiroow, kaas oo 60km u jira magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxaa u suurto gashay in ay la wareegaan deegaanka, ciidanka ayaa sidoo kale la wareegay deegaanka Say-dheerow oo 30-km u jirta, Buula jadiid, Mataani, uusli iyo Busley oo hoostaga Baydhabo.
Ciidanka dowladda iyo iyo kuwa deegaanka ayaa howlgallo ka dhan ah Al-shabaab waxaa ay ka wadaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya, ciidanka ayaa horey 48 saac ee ugu dambeysay waxaa ay la wareegeen deegaanno dhowr ah oo ay xoogagga Al-shabaab horey kaga sugnaayeen sanadihii lasoo dhaafay.




From the comments