Wadanka Uganda oo lagu arkay kiisas kamid ah xanuunka Ebola ayaa waxaa sii ordhaya tirada dadka uu soo ridanayo xanuunka, kuwaas oo isasoo taraya, waxaana dowladdu ay sheegtay in ay jiraan 34 kiis oo looga shakisan yahay Ebola, kuwaas oo si gaar ah loo karaantiilay.
Cudurkan Ebola nooca Sudan strain ayaa inta uu ka dillacay Uganda lagu dhawaaqay maalinimadii Talaadada, iyadoo ay wasaaradda caadimaadku shaacisay dhimashadii ugu horreysay ee la xaqiijiyey waxay aheyd nin 24 jir ah oo ku waayey xubno qoyskiisa ah oo gaarayay lix qof.
Wasaaradda caafimaadka Uganda waxaa ay sheegtay in la rumaysan yahay in dadka u dhintay xanuunka marka laga tago caasimadda ay gaarayaan 2i ruux, Waxay wadaan dadaallada lagu baadi goobayo qof kasta oo la kulmay dadka looga shakiyay in ay cudurka Ebola qaadeen.




From the comments