Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa sheegtay shirka caalamiga ah ee Hay’adda Duulista adduunka ICAO oo maalintii labaad ka socda magaalada Montreal, Canada , inay Soomaaliya u tahay fursad ay uga faa’iideysanayso horumarinta Duulista Hawada.
Shirkan oo ah fadhiga 41-aad ee shir weynaha ICAO waa madasha ugu ballaaran ee dunidda ay ku gaarto qorshahayaasha mustaqbal ee Duulista Hawada caalamka, waxaana kasoo qeybgala madax kale duwan oo kala socota 193 wadan, iyaga oo halkaas isku dhaafsada fikrada iyo afkaaraha lagu hormarinayo Duulista Hawada.
“Dalkeenna wuxuu wali ku jira hannaanka horumarin, shirkaanna waa mid ka mid ah waddooyinka aan ku dooneyno inan dunidda ugu soo bandhigno dadaalladeenna iyo doorka xooggan ee Soomaaliya .” Wasiir Fardowsa ayaa tiri, dhanka kale
Wasiirka ayaa xaqiijisay , dadaallada la sameeyay inay horseedeen Soomaaliya inay mudnaan gaar ah ka hesho caalamka.




From the comments