Dagaal u dhaxeeya ciidanka dowladda oo garab ka helaya ku deegaanka ee dib u xoreynta iyo xooggag ka tirsan Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaan hoostaga magaalada Moqokori ee gobolka Hiiraan.
Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Al-shabaab ay soo weerareen deegaanka Ceelqooxle, waxaana halkaas ka dhacay dagaal xoogan oo dhaxeeya llabada dhinac sida ay sheegayaan wararka.
Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa dhowaan Al-shabaab kala wareegay deegaanka Moqokori, waxaana qoraal kasoo baxay dowladda lagu sheegay in deegaanka lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaaab.




From the comments