Maxaa Lagu Ansixiyay Kulanka Guddiga Joogtada ah Ee Golaha Shacabka
Sheeko:Baarlamaanka
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Aadan Madoobe ayaa waxaa uu Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka u magacaabay Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) ka dib markii uu xilka iska casilay Xog-hayihi hore ee Golaha Shacabka Mudane Cabdikariim Xaaji Cabdi Buux, Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa xog-hayaha cusub cod gacantaag ah ku ansixiyey.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa xoghayahii hore Golaha Shacabka is casilaadiisa ka aqbalay isagoona sheegay in Cabdikariim Buux uu ahaa nin aqoon u leh shaqada Baarlamaanka islamarkaana taladiisa iyo waayo aragnimadiisa ku biiriyo Golaha Shacabka.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ayaa xoghayaha cusub kula dardaarmay in uu dardar geliyo shaqada baaxada leh ee hortaala isla markaana looga baahan yahay in masuuliyada culus ee loo igmaday uu u guto si hufan oo daacadnimo ku jirto.
Goobjoog News