Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal fogaan aragga Internet-ka la yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee UK James Cleverly, iyagoo ka wadahadlay arrimo dhowr oo quseya dhinacyada.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda UK ayaa kadib kulanka qoraal kooban ku daabacay bartiisa Twitterka waxaa uu ku sheegay in dawladdiisu ay sii wadayso taageerada ay Soomaaliya ka siiso dhinacada amniga, dhaqaalaha iyo la dagaalanka Al-shabaab.
James Cleverly Xoghayaha arrimaha debedda ee Britian ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu uu Soomaaliya ugu deeqay sannadkan in ka badan £50 Million oo lacagta ingiriiska ah, taasoo ay si gaara loogu qorsheeyey shacabka Soomaaliyeed.




From the comments