Guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka federalka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa safar ku maraya wadamo dhowr ah oo ku yalla qaaradda Yurub, waxaana dalal dhowr uu booqday uu kulamo la qaatay guddoonka Baarlamaannada, isaga oo kala hadalay iskaashiga labada dhinac iyo sidii wadamada reer Yurub taageero u siin lahaayeen.
Guddoomiyaha ayaa waxaa safarkiisa maalmihii ugu dambeeyaysay baraha bulshada lagu qorayay hadallo kale oo la xiriira socdaalka uu ku marayo dalal ka mid qaaradda Yurub, Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdullaahi Cusmaan (General ciiroow) ayaa ka warbixiyay u jeedka safarka guddoomiyaha ee Yurub, kadib markii ay soo baxeen warar kale duwan oo ku aadan.
” Social Media waxaan ka arkaynaa warar fool xumaynaya wafdiga guddoomiyaha iyo Baarlamaannada adduunka kulamada uu la samaynayo, dad suurad xumaynayo, oo si xun u fasiraayo, oo Social Media ka wada, oo ay ka muuqato mas’uuliyad darro, isla markas aan ka suurtoobin guddoomiyaha Baarlamaanka iyo magaca Baarlamaanka Soonaaliyeed aan u qalmin in niman magac Soomaaliyeed sheeganaayo ay suurad xumaynayaan” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdullaahi.




From the comments