Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray garoonka diyaaradaha ee Wiil Waal ee magaalada Jigjiga.
Xamsa Cabdi Barre, ayaa waxaa madaarka ku soo dhaweeyay madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Musta Muxumed Cumar Cagjar iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowlad deegaanka.
Ra’iisulwasaaraha ayaa inta uu ku sugan yahay Jigjiga madaxda dowlad deegaanka kala hadli doono sidii la isaga kaashan lahaa howlgallada iyo dagaalka ka dhanka ah ururka alshabaab.









From the comments