Ciidanka kumaandoorka Soomaaliyeed ee Gor-gor, ayaa howlgallo qorsheysan saacadihii la soo dhaafay ka sameeyay deegaanno hoostaga degmooyinka Jowhar iyo Raage-ceele, kuwaas oo hoostaga gobalka Shabbelaha dhexe.
Howlgalkaan ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha guutada 17-aad ee Ciidanka Kumaandooska Gor-gor Col Dayax Cabdi, waxaana ciidamada ay ku guulaysteen in ay Al-shabaab kala wareegaan deegaanno dhowr ah oo hoostaga gobalka Shabeellaha Dhexe.
Deeegaannada ciidamada ay Al-shabaab ay kala wareegeen waxaa kamid ah deegaannada Warciise, Galeef Qordhere iyo Jilable, kuwaas oo dhammaan hoostaga gobalka Shabeellaha Dhexe.






From the comments