Wasiirka Wasaaradda amniga dowlad goboleedka Galmudug, saraakiisha Booliska Galmudug, maamulka degmada Cadaado iyo Xildhibaano ka tirsan Galmudug ayaa ka qaybgalay xiritaanka tababarka ciidankan Booliska ah oo muddo 3-bilood ah lagu tababarayey duleedka degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.
Gaashaanle dhexe Maxamuud Cilmi Gulaafe madaxa tababarada iyo qorshaynta Booliska Galmudug ayaa xusay ciidaankan oo 200 oo askari ka kooban ay qaateen koorsooyinka jireed ee ciidanka iyo sharciyada Boolisku ku shaqeeyo sida dambi baarista, la dhaqanka shacabka, xuquuqul insaanka iyo xeerarka madaniga ah ee dalka.
Guddoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame ayaa sheegay in ka degmo ahaan ay ku faraxsanyihiin ciidankan tababarka dhammaystay, kuwaas oo ka qayb qaadan doona xoojinta ammaanka deegaanka iyo ilaalinta sharciga.




From the comments