Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaaliya Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maanta khud-bad ka jeediyay Fadhiga 31-aad ee Wasiirada Maaliyadda Dadalka Jaamacadda Carabta oo sanadkaan lagu qabtay , caasimaddiisa Algiers ee Wadanka Algeria
Wasiirka Maaliyadda Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa diiradda ku saaray hadal-jeedintiisii marxaladda Soomaaliya ee dib-u-habeynta Maaliyadda, dhameystirka deyn-cafinta iyo taageerada Wadamada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya oo xilligaan ay ka jiraan abaaro baahsan iyo dagaallo.
Sidoo kale Shirka Waxaa GoobJoog ahaa Safiirka Soomaaliya ee Dalka Algeria Mudane Cabdulwahaab Macalim Maxamed iyo Safiirka Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta ahna Safiirka Soomaaliya ee Dalka Masar Mudane ILyaas Shiikh Cumar, wasiir Cilmi ayaa sidoo kale gali doono kulamo dooceedyo kae duwan.




From the comments