Golaha Deegaanka Degmada Dhuusamareeb oo Lasoo Doortay
Sheeko:Baarlamaanka
Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo federalka iyo dib-u -heshiisiinta dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta Qabatay Doorashada Xubnihii ugu dambeeyay xildhibaannada Golaha Deegaanka Degmada Dhuusamareb ee gobolka Galgaduud, kuwaas oo ahaa 15 xildhibaan oo buuxinaya 33 xubnood oo ay ka kooban yihiin golaha deegaan.
Wasaaradda ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay xildhibaannada ku guuleystay golaha, kuwaas oo dhowaan dooran doona guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka, maadaama xildhibaannada golaha ay ku yimaadeen doorashada bulshada ku nool magaalada Dhuusamareeb oo ah magaalada caasimadda u ah dowlad goboleedka Galmudug.
Goobjoog News