Golaha Ammaanka ee Qaramada midoobay ayaa waxay sida ugu adag u cambaareeyeen Qaraxyadii dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho, 29-kii Oktoobar 2022, kuwaas oo lala eegtay meel aan ka fogeyn wasaaradda waxbarashada Hida Xukuumadda federalka, waxaana ka dhashay khasaare baahsan, bayaan kasoo baxay golaha ayaa waxaa lagu yiri.
“Xubnaha Golaha Ammaanku waxay dib u xaqiijiyeen in argagixisadu nooc kasta iyo muuqaal kasta oo ay tahay ay ka dhigan tahay mid ka mid ah khataraha ugu daran ee nabadda iyo ammaanka caalamka. Waxa ay soo dhaweeyeen dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo taageero ka helaya Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ay kaga hortagayaan khatarta Al-Shabaab, waxayna ku booriyeen madaxda Soomaaliya in ay iska kaashadaan la dagaalanka Al-Shabaab” ayaa lagu bayaanka golaha ammaanka.
“Xubnaha Golaha Ammaanku waxay hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in lala xisaabtamo dembiilayaasha, abaabulayaasha iyo maalgeliyayaasha falalkaas, lana horkeeno sharciga. Waxay ku booriyeen dhammaan Dawladaha, si waafaqsan waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah iyo go’aamada Golaha Ammaanka ee khuseeya, inay si firfircoon ula shaqeeyaan dhammaan hay’adaha ay khusayso arrintan” ayaa lagu yiri sidoo kale.




From the comments