Guddoomiye Aadan Madoobe oo Garowe lagu soo dhaweeyay
Sheeko:Baarlamaanka
Guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa gaaray magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.
Aadan Madoobe, ayaa waxaa garoonka magaalada Garowe ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ay kamid yihiin Nugaal, Duqa Garoowe, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada Puntland, Wasiiro ka tirsan Golaha Xukuummada Puntland, Xildhibaanno kamid DFS, Saraakiil iyo dadweyne kale.
Guddoomiyaha ayaa inta uu halkaas ku sugan yahay waxa uu kulan uu la qaadan doona guddoonka golaha wakiilada dowlad gobaleedka Puntland iyo xubnaha golaha wakiilada Puntland.
Sheekh Aadan Madoobe, waxaa socdaalkiisa Garowe ku wehlinayo guddiga jogtada ah ee golaha shacabka, waxaana ay ka shaqayn doonaan nidaaminta Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, Waxaana sanadihii hore shirarkan lagu qaban jiray dalka dibadiisa.
Goobjoog News