Ku-simaha Ra’iisul wasaaraha ahna wasiirka Caddaaladda iyo arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallim Maxamuud ayaa guddoomiyay shirkii ugu horreeyay ee guddiga maal-gashiga shisheeye ay yeeshaan mudda 32 sano kadib ah.
Mudane Xasan Macallim ayaa munaasabadda ka sheegay in shirka guddiga maal-gashiga shisheeye uu muhiimad gaar ah leeyahay uuna yahay bilaw wanaagsan oo horumar horseedi kara maadaama uu muujiayo in Soomaaliya ay markaan diyaar u tahay inay dunida la yeelato iskaashi ganacsi.
Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in maalgashi shisheey uu u baahanyahay soo jiidasho, shirka maanta qabsoomayna uu soo jiidashadaas qeyb ka yahay.




From the comments