Waxaa warar dheeraad ah laga helayaa qarax maanta galinkii dambe ka dhacay maqaayad ku taalla magaalada Istanbuul ee dalka Jamhuuriyadda Turkiga, waxaana kasoo baxayaan warar kale duwan khasaaraha uu geystay qaraxaas.
Guddoomiyaha magaalada Ali Yerlikaya ayaa bartiisa Twitter-ka waxaa uu ku sheegay in qaraxa dhacay ay ku dhinteen ilaa 4 ruux, halka ay dhaawacyo kasoo gaareen 38 qof oo kale, kuwaas oo la dhigay isbitaallada si loogu dabiibo.
Maqaayadda qaraxa uu ka dhacay ayaa waxa ay ku taallaa mid kamid wadooyinka ugu mashquulka badan, maadaama maanta ay aheyd maalin Axad ah, sawiradda ayaa muujinayay gaadiidka gurmadka oo goobta ku sugan.




From the comments