Soomaaliya oo Ka Qeybgalaysa Shirweynaha Saxaafadda Adduunka Ee Magaalada Dubai
Sheeko:Wararka Caalamka
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaalia, Mudane Daud Aweis Jama ayaa maanta magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta kaga qeybgaley furitaanka Shirweynaha Saxaafadda Caalamka (Global Media Congress).
Shirkan waxaa si rasmi ah u furya R’’iisul Wasaare Ku Xigeenka Isutagga Imaaraadka Carabta, Sheikh Mansour bin Zayed Al Nahyan. Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalayaa wasiirro, danjireyaal, madaxda sare saxaafadda caalamka, shirkadaha kale duwan ee warbaahinta, hal abuureyaasha saxaafadda iyo arrimaha bulshada.
Ajendaha ugu weyn ee looga doodayaa uu yahay sidoo loo dardargelin lahaa jiheynta isbeddelka ku dhacaya saxaafadda iyo qalabka warbaahinta, marka loo eego horumarka dhanka tiknoloojiyadda iyo xawliga saameynta baraha bulshada. Dib u qaabeynta mustaqbalka warbaahinta, awoodda muuqata ee wacyigelinta iyo dhaqaajinta isbeddelada ee warbaahinta , fursadaha maalgashi ee warbaahinta casriga, dhiirigelinta iyo taageerada hal abuurka ee dhalinyarada ku soo biiraya warbaahinta , in warbaahinta dowladda ay noqoto mid si daah furan uga waranta waxqabadka dowladaha iyo qodobo kale ayaa ka mid ah waxyaabaha lagu falanqeyn doono shirkan.
Wasiirka Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daud Aweis ayaa waxaa uu shirkan ku tilmaamey mid la jaanqaadaya isbeddelada muuqda ee ku dhacaya warbaahinta iyo saxaafadda inteeda kaleba, loona baahan yahay in la iska kaashado sidii isbedeladaasi loogu lifaaqi lahaa marxaladaha haatan jira ee muuqda.
Wasiirka ayaa sidoo kale kulamo la yeeshay qaar ka mid ah wufuuddii ka soo qeybgashey shirka. Mas’uuliyiinta uu Wasiirku la kulmya waxaa ka mid ah Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuriyadda Seychelles Mudane Ahmed Afif, Wasiirka Warfaafinta Bahrain, Dr. Ramzan bin Abdullah Al-Naeimi, Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Wararka Imaaraadka, Mohammed Jalal Al Raisi iyo wakiilo ka socday Sacuudiga, Kuwait, Oman, Comoros iyo India.Abu Dhabi,
Goobjoopg News