Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta waxaa uu ku wajahan yahay gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan deegaanka Cadale, halkaas ay ku sugan yihiin ciidamo badan oo ka tirsan xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo howlgallo ka wada gobolka.
Wafdi hordhac ah ayaa gaaray deegaanka, sida xildhibaanno, wasiirro iyo mas’uuliyiin kale oo qeyb ka noqonay qaabka soo dhoweynta madaxweynah Jamhuuriyadda, iyadoo lagu wado inuu kulamo la qaato saraakiisha ciidanka dowladda iyo dadka deegaanka, isaga oo kala hadlayo arrimaha dho wr ah.
Madaxweynaha oo muddooyinkii dambe u kuurgalayay furimaha dagaalka ciidanka ee gobollada ayaa horay u gaaray qaar ka mid ah furimaha dagaalka gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug, waxaana uu ugu baaqay ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka in ay laba jibaaraan howlgallada ay wadaan.




From the comments