Goobjoog

Madaxweyne Xasan Shiikh oo La Kulmay Dhigiisa Dowladda Mareykanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay Munaasabad ku qabsoomtay Aqalka Cad ayaa la kulmay dhigiisa dalka Maraykanka Mudane Joe Biden, waxaana sidoo kale Xasan…

Madaxweyne Xasan Shiikh oo La Kulmay Dhigiisa Dowladda Mareykanka
President Joe Biden and First Lady Jill Biden pose for photo line photos with delegation heads of the U.S.-Africa Leader Summit, Wednesday, December 14, 2022, in the Diplomatic Reception Room of the White House. (Official White House Photo by Adam Schultz)
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay Munaasabad ku qabsoomtay Aqalka Cad ayaa la kulmay dhigiisa dalka Maraykanka Mudane Joe Biden, waxaana sidoo kale Xasan lagu wadaa inuu booqdo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Minneapolis,
Madaxweynaha ayaa la wadaagay Madaxda iyo diblumaasiyiinta Maraykanka, xaaladda dalka iyo dagaalka ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-shabaab  isagoo xusay guulaha wax ku-oolka ah ee ay gaareen Ciidamada Soomaaliyeed oo kaashanaya bulshada deegaannada ay kuu dhuumaaleysanayaan argagixisada Alshabaab.
Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa bogaadiyey howlgallada xoreynta deegaannada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan oo muujiyey kartida iyo awoodda ay u leeyihiin dowladda iyo shacaka Soomaaliyeed cirib-tirka argagixisada, waxa uuna adkeeyey taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin dowladda Soomaaliyeed.
Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments