Tababarkan oo loogu tala galay in kor loogu qaado xirfadda iyo aqoonta ay macalimiinta iyo howl wadeenada dugsiga indhoolayaasha Alnur u leeyihiin u adeegista iyo waxbarista ardayda qabta baahida aragga ayaa manta lagu soo gaba gabeyay xarunta dugsiga oo ku yaala degaanka daarusalaam ee magalada Muqdisho.
Tababarkan oo socdo mudo shan cisho ayaa lagu baranayay farsamada dayactirka iyo cilad bixinta Type machines Brail oo ah Teeb dadka aragga la’ si fudud uga caawiya wax qorista, xirfadaas oo ay kawada faa`idaysteen barayaasha iyo howlwadeenada dugsiga.
Maamulaha dugsiga Al-nuur Cabdifatax Maxmed Dahir ayaa munaasabada lagu soo xirayay tababarkan ka sheegay in tababarkan uu yahay sanadle ay shirkadda isgaarsiinta Hormuud hay’adeeda Hormuud Salaam Foundation iyo Dugsiga Alnur ay ugu tala galeen in lagu hormariyo aqoonta iyo Xirfadda macalimiinta iyo ardayda dugsiga, isga oo si wayn shirkadda Hormuud uga mahadceliyay garab istaaga iyo gacan ku heenta dugsiga in kabadan 10sano.





From the comments