Waxaa saaka oo Khamiis ah inta badan xiran waddooyinka Caasimadda, iyadoo lagu wado in isku soo bax wayn uu ka dhaco Muqdisho.
Xirnaasha waddooyinka ayaa lagu sheegay in ammaanka guud ee caasimadda aad loo sugo, waxaana magaalada ka dhici doona maanta Isku soo bax ay hor kacayso dowladda kaas oo uu u jeedkiisu yahay sidii shacabka Muqdisho ay u cadeyn lahaayeen mowqifkooda dagaalka ka dhanka ah ururka Al-shabaab
Isku soo baxa ayaa ka dhici doona garoonka ciyaaraha ee Eng. Yariisow ex- Koonid, waxaana ka soo qayb galaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.




From the comments