Magaalada Baydhabo ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu ka furmo shirka wadatashiga Koonfur galbeed, kaas oo ay ka qaybgalayaan madaxda ugu sareyso dalka.
Shirka ayaa waxaa lagu wadaa in uu ka qayb galo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo la filayo in saacadaha soo socda ee maanta uu gaaro magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed.
Ammaanka guud ee maagalada ayaa aad loo adkeeyay, waxaana shalay gaaray wafdi horu dhac u ah socdaalka madaxweynaha oo uu hoggaaminayay agaasimaha guud ee madaxtooyada qaranka.




From the comments