Goobjoog

Deni oo Boosaaso kula kulmay madaxda DP-WORLD

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa magaalada Boosaaso ku soo dhaweeyay wafdi uu hooggaamiyo agaasimaha shirkadda DP-world ee bariga dhexe. Deni ayaa wefdiga uu hogaaminayo CEO-ga iyo Agaasimaha…

Deni oo Boosaaso kula kulmay madaxda DP-WORLD

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa magaalada Boosaaso ku soo  dhaweeyay wafdi uu hooggaamiyo agaasimaha shirkadda DP-world ee bariga dhexe.

Deni ayaa  wefdiga uu hogaaminayo CEO-ga iyo Agaasimaha Maamulka DP-WORLD ee Bariga Dhexe iyo Africa Suhail Al-Banna, kala hadlah mashaariicda dekedda Boosaaso.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd dhaqaajinta balaarinta shaqo ee Dekedda magaalada Boosaaso. Waxaa qayb ka ahaa kulanka Wasaaradda Dekadaha iyo masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments