Dowladda Canada ayaa wariye Amira Elghawaby u magacawday ergayga gaarka ah ee la dagaalanka Islaam naceybka, kadib soo noqnoqoshada falalka liddiga ku ah bulshada Muslimiinta ah ee ku nool dalkaas.
Amira Elghawaby ayaa ahayd wariye u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha, waxaana ay mudda dheer ka shaqeyneysay warbaahinta.
Haweeneydaan ayaa Canada u qaabilsanaan doonta tacadiyada iyo falalka amniga ka baxsan ee ay la kulmaan muslimiinta ku nool Canada.




From the comments