Xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya oo maanta Muqdisho ku yeeshay kulamadoodii caadiga ahaa ayaa meelmariyay hindise-shaciyeedyo soo gaaray labada aqal, waxaana kulamadii maanta guddoomiyay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha aqallka sare Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) iyo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane.Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Golaha aqalka sare ayaa kulankoodii maanta ku meelmariyay Xeer-hoosaadka golaha oo ay qaabayn iyo toosin ay ku sameeyeen kadib doodii Sanatorrada ee akhrintii 3-aad. ayaa intaas kadib Goluhu ansixiyeen Xeer-hoosaadka golaha oo horey usoo maray akhrinta 1-aad iyo midda 2-aad, waxaana jira mudanayaal fikirkooda ka dhiibtay sida ay u arkaan kulankii maanta ay igu yimaadeen mudanayaasha golaha aqalka sare kalfadhiga labaad kulankiis 12-aad.
Golaha aqalka sare ayaa maanta akhrinta labaad marsiiyay sharciga hey’adda Sirdoonka qaranka, kaas oo ay soo ansixiyeen xildhibaannada golaha shacabka oo uu soo maray, Senatorrada qaar oo ka hadlay shacriga ayaa sheegay in aysan ka muuqan doorka dowlad goboleedyada, sida uu kulanka ka sheegay Senator Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab, waxaana uu carabka ku dhuftay in sharciga loo baahan yahay in la waafajiyo nidaamka federalka ee dalku qaatay.




From the comments