Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya mudane Dr. Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta khudbad aad dhinacyo badan u taabanaysay waxaa uu ka jeediyay meertada 36-aad ee kulanka shirweynaha madaxda Afrika, kaas oo ka dhacaya magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, madaxwenaha ayaa ugu horeyn u mahadceliyay madaxda.
“Waad ku mahadsan tihiin fursaddan wayn ee aan idinkula hadlayo anigoo ah madaxweynaha cusub ee Soomaaliya. Xaqiiqdii, inkastoo aan ahay madaxweyne lagu doortay doorasho dhowaan ka dhacday Soomaaliya, mudnaan gaar ah ayay ii tahay inaan noqdo madaxweynihii ugu horreeyey taariikhda Soomaaliya ee labo jeer loo doortay inuu u khidmeeyo qarankiisa. Waxay arrintan iiga dhigan tahay xurmad iyo fursad gaar ah oo aan ku qaabayn karo isla markaasna aan Soomaaliya iyo dadkeenna ku gaarsiin karno mustaqbal wanaagsan, waana sababta aan markii horeba u go’aansaday inaan u tartamo xilkan culus” ayuu yiri madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Dr.Xasan Shiikh Maxamuud.
“Horumarinta xiriirkeenna waxtarka leh ee aan la leennahay Midowga Afrika iyo dhammaan dowladaha xubnaha ka ah waa mudnaan sare oo ay Soomaaliya leedahay annagoo ku rajo wayn mustaqbal barwaaqo wadaag ah, oo uu hagayo Ajandaheenna 2063. Halkudheggu wuxuu sidoo kale tilmaamayaa jiritaanka caqabado nidaami ah oo caalami ah oo ay tahay inaan si wadajir ah u wajahno si aan u xaqiijinno mustaqbalka dadkeenna iyo qarammadeenna . Waxaa caqabadaha ka mid ah la dagaallanka argagixisada caalamiga ah, la tacaalidda isbaddalka cimilada, kobcinta dhaqaalaha, abuurista shaqooyinka iyo sida maalgalinta ajandayaasha horumarineed ee adduunka sida kuwa ku xusan Ajandaha 2030 ee Horumar Waari-og ee Qaramada Midoobay.” ayuu yiri madaxweynaha.









From the comments