Ciidanka booliska saldhigga degaanka Garasbaaley ee duleedka Magaalada muqdisho ayaa toogasho ku dilay Nin ay sheegeen in uu doonay inuu toogto askari ka tirsan booliiska deegaanka. Taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa sheegay in ninka la dilay ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab, dhacdada ayaa ka dhacday xaafadda Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho.
War ay Taliska qeybta Booliska Gobolka Banaadir ku daabaceen bartooda facebook ayay ku sheegeen in booliiska qeybta ee galasbaaley uu toogtay nin ku jiray isku day dil, ayna xogta ku caawiyeen dadka deegaanka.
“ dhagar qabaha ayaa qorsheynayay inuu dilo askari katirsan ciidanka booliiska, waxaana xogta dhagrahaan sahashay wada shaqeynta ciidanka booliiska iyo dadka deegaanka” ayaa lagu yiri qoraal ka qeybta guud ee booliiska gobolka Banaadir.




From the comments