Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa lagu wadaa in ay gaaraan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah dowlad goboleedka Jubbaland.
Waxaa magaalada laga dareemayaa qaban qaabadii ugu dambeysay oo maamulka iyo shacabku ay ugu jiraan soo dhoweynta madaxweyne Xasan Shiikh oo tagaya halkaas, tan iyo markii la doortay 15-kii May 2022-kii.
Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo waxaa uu la kulmi doonaa madaxweyne Axmed Madoobe iyo bulshada iyo waxgaradka reer Jubbaland, isaga oo kala hadli doona arrimo dhoer.




From the comments