Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomalaiya Xasan Shiikh Maxamuud oo ku sugan magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa Wareysi uu siiyay Telefishinka Aljaziira qeybtiisa Carabiga waxaa uu kaga hadlay arrimo ay kamid tahay dagaalka dowladda ay kula jirto Al-shabaab iyo Qadyadda shacabka Reer Falastiin.
Madaxweynaha ayaa marnaba soo hadalqaadin in mustaqbalka dhow dowladda federalka ah ay wadahadal Al-shabaab ay la gali doono, isaga oo sababta ku micneeyay fikirka ay hoggaanka kooxda ay aaminsan yihiin sida uu hadalka u dhigay, waxaa dhinaca kale uu xusay in ay soo dhoweynayaan cid kasta oo ka tanaasusha.
” Al-shabaab waxaa ku jira dhallinyaro Soomaaliyeed oo aaminsan fikirka qaldan, cid kasta oo kasta oo fikirkaas ka tanaasusha waan soo dhoweynaynaa, waxaana la marsiin doonaa Rabraac” ayuu yiri madaxweynaha mar wax laga weydiiyay in dowladda federalka iyo Al-shabaab ay wada hadli karaan mustaqbalka soo aadan.




From the comments