Golaha Aqalka Saree e Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha.
Arrintan ayaa ka dhigan in muwaadin kasta ay waajib ku tahay qaadashada kaarka aqoonsiga (National ID), tanina ay noqonayso tallaabo wax weyn ka taraysa ; xal u helidda dhibaatada garan-waaga, nabadgalyada, mucaamalaadka maaliyadeed, ganacsiga, dhaqdhaqaaqa muwaadinka iyo la macaamilka hey’adaha dowladda.
Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dibuheshiisiinta ayaa sanadkan gudihiisa waxaa ay qorsheyneysaa hirgalinta hawshan qaran oo waxtarkeeda uu dareemi doono muwaadin walba oo u dhashay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.




From the comments