Ciidamada Liyuu Boolis ee ku sugnaa xadka gobolka Bokool uu la wadaago dalka Itoobiya ayaa waxaa lasoo sheegayaa in ay baneeyeen fariisino ay ku lahaayeen xadka in mudda ah, iyagoo halkaas dhowaan dagaal kula galay dagaalaayaal ka tirsan Al-shabaab.
Ciidanka in ay ka guuraan fiisimahooda xadka gobolka ayaa waxay ka dambeysay kadib markii ciidamo ka tirsan Milatariga Itoobiya oo wata gaadiidka dagaalka ay soo gaareen halkaas, halka Liyuu Booliska ay dib ugu laabteen gudaha Itoobiya sida lasoo sheegayo.
Wali majiro wax war ah oo ku aadan ka bixitaanka ciidanka dowlad deegaanka oo kasoo baxay maamulka iyo dowladda fedralka Itoobiya, walow ciidamo badan oo ka tirsan Milatariga Itoobiya ay qeyb ay gudaha u soo galeen Soomaaliya meelo kamid.




From the comments