Amaamka magaalada Baydhabo ayaa siweyn loo adkeeyay xilli ay tagayaan wufuud kale duwan, kuwaas oo hordhac u ah shirka wadatashiga qaran oo halkaas ka furmaya, ciidamada ammaanka ayaa lagu arkayaa inta badan wadooyinka magalada iyaga oo wada xaqiijinta ammaanka guud.
Magaalada ayaa waxaa maanta ku wajahan Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre madaxda dowlad goboleedyada Galmudug, Jubbaland iyo Hirshabeelle, Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, Axmed Cabdi Kaariye iyo Cali Guudlaawe Xuseen oo maanta ku wajahan Baydhaba.
Wararka hoose ee laga helayo shirka wadatashiga qaran ayaa waxaa la sheegayaa in madaxweye Siciid Deni uu diiday imaatinta magaalada Baydhabo, iyadoo muddooyinkii dambe la sheegay khilaaf hoose oo u dhaxeeya Deni iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Xasan Shiikh Maxamuud.




From the comments