Dhaqaatiir gudaha UK ayaa bilaabay shaqo joojin ay ku dalbanayaan mushaar kordhin, waxaana ay isugu soo baxeen wadooyin iyaga oo ku cabanaya doonista mushaar sare. UK ayaa dhaqaale xumi caga la gashay tan iyo markii uu dilaacay COVID-19 iyo ka bixitaankii Midowga Yurub.
Tobnaan kun oo dhakhatiir ah ayaa Isniinti dalka Britain ka bilaabay shaqo joojin ku meel gaadh ah oo soconaysa muddo saddex maalmood ah. Arrinkan ayaa saameyn ku yeelan doona dadka bukaanka ah, iyada oo dhammaan dhakhaatiirtuna ay ka cabanayso mushaharka ay qataan oo yar.
Nolol maalmeedka dadka Britain ayaa aad u adkaaday, sicir bararka ayaa aad sare ugu kacay, waxaana shaqo joojintaan ay saameyn ku yeelan doontaa bukaannada balamada la leh dhaqaatiirta iyo kuwa ku sugan gudaha Isbitaallada, mana muuqato in xaalku sidiisa kusoo laabto dhowaan.




From the comments