Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay sharciga la dagaalanka Argigixisada, kaas oo hore uga soo gudbay golaha shacabka Baarlamaanka federalka Soomaaiya.
Golaha oo dood dheer ka yeeshay sharciga ayaa maanta sidoo kale akhrinta 3-aad marsiiyay waxaana ogolaada 29 Sanatar, sida uu shaaciyay guddoonka golaha, iyadoo wasaaradda amniga ay ka mahadcelisay ansixinta.
Sharciga la dagaalanka Argigixisada ayaa hore waxaa uu uga soo gudbay golaha shacabka oo soo meel mariyay, waxaana la filayaa in loo gudbiyo madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u saxiixo, isaga oo dhaqan geli doona.




From the comments